Madaxweynaha Jubaland oo ka dagey Muqdishu [Daawo]

Image

KISMAYO- Madaxwaynaha dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyagona ku siijeeday Muqdisho.

Wafdiga Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ka koobnaa labada gole waxaana garoonka ku sagootiyay Madaxwayne ku-xigeenka kowaad ee Jubbaland iyo Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa intii uu ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxa uu halkaas ku lahadlay Warfidiyeenada

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay kaga qayb galayaan asaga iyo wafdigiisa shirka madasha wadatashiga qaran ee geedi socodka doorashooyinka la filayo dhamaadka sanadkan in ay ka dhacaan dalka Somlia.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda maamulkaas qorsheysteen in kulankaan lagu qabto magaalada Kismayo.

Kulanka madaxda Somalida ayaa la filayaa inuu dhowana ka furmo magaalada Muqdishu iyadoo madaxweyne Xasan Shiikh la filayo inuu dib ugu soo noqdo dalka isagoo kulan wadanka dibadiisa kaga qayb galaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM