​Madaxweynaha Jubbaland oo maxaabiis cafiyay

Image

KISMAYO- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa sheegay inay cafinayaan maxaabiista ku xiran magaladaasi qaar kamid ah, maadama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madoobe, ayaa saraakiisha amniga ka codsaday in loo soo gudbiyay shakhsiyaadka ku eedaysan dambiyada fudud amba u xiran arrimo siyaasadeed si uu u cafiyo, wuxuuse sheegay inaan la siidayn doonin dadka loo haysto dilalka iyo dambiyada culus.

Hadalkan oo uu jeediyay xilli uu la hadlayay warbaahinta, ayaa madaxweynaha Jubbaland, wuxuu codsaday in la labo laabo, howlaha loo hayo bulshada isagoo tilmaamay in la isku dhex wado cibaadada iyo shaqada.

“Haddii ay jiraan maxaabis arrimo siyaasadeed u xiran ama dambiyo fudud loo heysto oo waqtigoodu soo dhow-yahay,waan cafineyna bisha Ramadaan aawadeed,”Ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maxaabiis badan ku xiranyihiin magalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM