Madaxweynaha Jubbaland oo tagay degmada Cadaado

Image

06 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Jubballand ayaa maanta gaaray magalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug, waxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Safarka uu ku tagay Cadaado ayaa lagu sheegay ka dhabaynta ballan qaad uu sameeyay xilli uu ku sugnaa magalada Galkacyo oo u joogay nabadaynta dagaal dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Mas'uuliyiinta maamulkaas ee kusugan Cadaado ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin imaanshaha Madoobe.

Waa markii ugu horraysay oo Madaxweynaha Jubbaland uu tago degmadaas oo dhawaan lagu qaban doono caleemo saarka xukuumadda Galmudug, waxaana la filayaan inay ka qayb galaan madaxda Somalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM