Madaxweynaha Jubbaland oo tagay degmada Cadaado

Image

06 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Jubballand ayaa maanta gaaray magalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug, waxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Safarka uu ku tagay Cadaado ayaa lagu sheegay ka dhabaynta ballan qaad uu sameeyay xilli uu ku sugnaa magalada Galkacyo oo u joogay nabadaynta dagaal dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Mas'uuliyiinta maamulkaas ee kusugan Cadaado ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin imaanshaha Madoobe.

Waa markii ugu horraysay oo Madaxweynaha Jubbaland uu tago degmadaas oo dhawaan lagu qaban doono caleemo saarka xukuumadda Galmudug, waxaana la filayaan inay ka qayb galaan madaxda Somalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM