Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka degay caasimadda Galmudug

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/Casiis Lafta-Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaarey magaaladda Dhuusamareeb, waxaana kaga sii horeeyay halkaasi dhigiisa HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay tagey.

Madaxweyniyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay iyaguna saacadaha soo aadan ka degaan Dhuusamareeb, oo ay ka socoto qaban-qaabada shirka Madaxda Maamullada, oo la qorsheeyay in maanta oo Khamiis ah furmo.

Lafta-Gareen lama socon wax Ciidan ah wafdigiisa, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne Qoor-Qoor.

Ciidamo ilaalo u ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Dhuusamareeb horey loo geeyay, kuwaasoo ilaalin doono amniga madaxda inta uu socda Shirka la filayo in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ay kamid yahay doorashadda muranka ka taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ku guuldareystay inuu 5tii bishan martigeliyo kulan uu ku casuumay madaxda maamullada, kadib markii Gollaha Shacabka ay sameeyeen ansixinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka, kaasoo ay dalbadeen maamullada in la hakiyo inta la heshiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM