Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda-Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis iyo Wafdiga la socda.

Intii uu socday kulanka ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Nithavrianakis waxa ay ka wadahadleen arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee amniga ee Dowladda-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen xeelado lagu taageerayo wejiga labaad ee dadaalka dagaalka iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha joogtada ah ee abaaraha ee ka jira gobolka.

Intaa waxaa dheer, labada dhinac waxay sahamiyeen dariiqooyin lagu dardargelinayo mashaariicda Dowladda Ingiriiska ee ka socda Gobollada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM