Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Bakool Sare oo hadlay [Dhagayso]

Image

27 December, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka lamagac baxay Bakool Sare ayaa ka hadlay qaabka lagu doortay hogaan sare maamulka iyo sababaha ka dambaysay inay kasoo horjeestaan Koonfur Galbeed Somalia.

Axmed Nuur Shiikh Maxamed oo waraysi siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in maamulka u samaysteen duruufo iyo tixgalin la'aan kasoo wajahday Koofur Galbeed Somalia, arrintanna muddo kasoo socotay saddexda degmoo ee Bakool Sare ka koobantahay.

Ergooyin matalaysay degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato ayaa Madaxweynahu sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa doorteen, wuxuuna tilmaamay inay leeyihiin Dastuur iyo Xildhibaano.

Mar wax laga weydiiyay inay wadahadal la furayaan maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayuu sheegay inaysan arrintaasi samayn doonin, maamadama kusoo daaleen, haatanna taladu ka go'do shacabka deegaanadaas.

Dhinaca kale warbaahinta Radio Garowe ayaa arrintan waxa ka weydiisay maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulkaasi Xasan Cabdi Maxamed uu sheegay inaysan aqoonsanayn isla markaana dhinacooda diyaar u ahayn maamulkaas. Halkan ka dhagayso

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM