​Madaxweynaha Somalia oo xeer ku ansixiyay hannaanka doorashada [Dhagayso]

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa ku dhawaaqay go'aan xasaasi ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka kadib markii muddooyinkii dambe uu taagnaa khilaaf ku salaysan qodobada hishiiskaasi oo xukuumadda Somalia horgeeysay golaha Barlamanka.

Xasan Sheekh, oo warbaahinta kula hadlayay magalada Muqdishu, ayaa sheegay inuu ku dhaqaaqay tallaabo xasaasi ah oo keeni karta in dad badan ka xumaadaan, balse uu xusay inuu ugu turayo dadka Somaliyeed.

Madaxweynaha oo ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray hannaankan lagu muransanyahay, ayaa si cad u sheegay inay u cadaatay in Barlamanka Somalia uusan awood u lahayn meelmarinta hishiiskaasi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Xildhibaanadu ku kala qaybsameen.

Sidaasi dareedeed, ayuu madaxweynuhu sheegay inuu soo saaray wareegto uu ku meelmarinayo hannaankii lagu hishiiyay bishii April, ee sannadkan, isagoo tilmaamay in dalka Somalia doorashadu ka dhici doonto waqtigii loo asteeyay islamarkaana lagu salayn doono qorshihii la isku waafaqay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf ku aadan arrintan, isagoo u digay dadka qorshahaasi kasoo horjeeda, wuxuuna tilmaamay in waddanka Somalia kasoo daalay dhibaatooyin iyo fowdo, sidaasi darteed u cudur daarayaana dadka diidanaa hannaankan.

Shacabka ayuu u sheegay inay muujiyaan kalsooni buuxda oo ku aadan doorashada dalka Somalia, isagoo xusay in nidaamkan doorashada lagusoo rafaaday islamarkaana muddo iyo shirar badan laga soo yeeshay, wuxuuna u digay dadka kasoo horjeeda, isagoo ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha dalka iyo duruufaha taagan.

Wuxuu arrin caado ah ku tilmaamay in waqtiga xilku ka dhammaanayo dowladda jirta ay dhacdo in talada faraha lasoo galaan dad ka baxsan xayndaabka xukuumadda isagoo xusay in xilligaasi soo dhammaaday hadana la joogo waqtigii horay loo socon lahaa.

Go'aankana ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe magalada Muqdishu ka taagnaayeen arrimo ku aadan hishiiskii la gaaray, waxaana caqabad ku noqday meelmarintiisa Barlamanka Somalia, iyagoo sheegay inay wax kabadal ku samayn doonaan, balse qorshahaasi, waxaa kasoo horjeestay maamul goboleedyada oo ku adkaystay go'aankii hore.

Xubno kasocda golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo asbuucii hore soo gaaray magalada Muqdishu, ayaa maalinta barri ah sugayay in Barlamanku meelmariyaan hishiiskana, hadii ay dhici waydana, waxaa madaxweynaha lagu cadaadiyay inuu meelmariyo sida maanta dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM