Madaxweynaha Somalia oo difaacay go'aanka xiriirka loogu jaray Iran

Image

10 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa difaacay go'aanka xukuumadda Somalia xiriirka ugu jartay dowladda Iran dhawr maalin kahor, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas lagu saxsanaa maadaama sida uu sheegay dalka Somalia kawadeen faafinta madhabka Shiicada.

“Xukuumadda Iran oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka,"Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Xasan Sheekh ayaa carrabka ku dhuftay inay hayaan caddaymo laxiriira falka keenay in dowladda Somalia xiriirka u jarto Iran, xilli saraakiisha dalkaasi kuguda jireen barnaamijyo samafal, balse sida dowladdu sheegayso ku maldahnaayeen faafinta madhabka Shiicada.

"Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda,’’Ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa beeniyay wararka sheegaya in sababta Somalia xiriirka ugu jartey xukuumadda Tehran la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran.

“Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xiriirka ugu jarney Iran sax ma ahan... Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer dalkaasi oo mad-habta Shiicada ku faafinayey Somalia. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen, haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena,"Ayaa lagu yiri Madaxweynuhu.

Kahor intaysan xiriirka ujarin Somalia dalka Iran, waxaa hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia (NISA), soo bandhigtay baasaboorada labo nin oo ay sheegtay inay dalka kawadeen baahinta madhabka Shiicada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM