Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray ciidanka Puntland

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen mallayshiyaad la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa uguna hambalyeynayaa geesiyaasha ciidanka Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaareen ee ay ku burburiyeen argagixisada Al Shabaab oo caadeystey falalka diinta iyo aadminimadaba ka baxsan,’’Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dharbaaxada kulul ee loo gaystey Shabaab dhiirigelin u tahay dhammaan ummadda Somaliyeed ee dagaalka kula jirta argagixisada, daliilna u tahay in cadowga ugu dambeyntii laga sifeyn doono qeybahaa yare e ay weli ku harsan yihiin. 

‘’Dowladda Federaalka ee Somalia iyo maamullada dalka ka jira waxay ka mideysan yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha mintidiinta ah, waana waajib ina wada saaran inaan taageero buuxda u fidino degaan walba oo dalka ka mid ah oo khatar kala soo gudboonaada argagixisada. Al Shabaab waa naf la caari, markii culeyska gobollada kale ka haysta uu kordhey ayay isku dayeen inay goobo kale oo dagaal ka furan Puntland, taasina waxay noqotey riyo ay beeniyeen ciidanka maamulka Puntland’’, ayuu yiri Madaxweynahu. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda ay muhimadda koowaad siineyso dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada xoogga dalka Somalia, si ay u hantaan amniga guud ee qaranka.

Taageerada uu ciidamada Puntland u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidanka difaacu gaareen guulo xoggan kadib markii ay gobollada Nugal iyo Mudug ku jabiyeen mallayshiyaad hubaysan oo dhanka xeebta kasoo galay Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM