​Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay arrinta wabiga Shabeelle

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay arrimo kala duwan isagoo si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda doorashada, biyaha Wabiga Shabeelle, xiriirka dowladaha Maraykanka iyo Ruushka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta wabiga Shabeelle gaar ahaan wararka sheegaya in dowladda Ethiopia xiratay biyihii wabigaas, ayaa tilmaamay inaysan arrintaasi ku dhaqaaqi karin maadaama ay jiraan shuruuc caalami ah.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray iysan ka suuro gali karin tallaabooyin caykaasi ah, isagoo tilmaamay inay baari doonaan cabashada ku saabsan wabiga dhawaan guray.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xiriirka Somalia kala dhaxeeya dalka Ruushka iyo booqasho Wasiirka koowaad xukuumadda Somalia ku joogo dalkaasi, wuxuuna sheegay inay soo celinayaan xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada waddan ka dhaxeeyay.

Wuxuu intaasi ku daray inaan la dulmi dowlad waddanka Somalia ku leh daymo badan, taasoo macnaheed uusan sharaxin balse u muuqatay inay gogol xaar u tahay sidii Ruushku markale ugu lug lahaan lahaa siyaasadda Somalia.

Xiriirka kala dhaxeeya dalka Maraykanka, ayuu soo hadal qaaday isoo tilmaamay inuu aad u wanasanyahay  islamarkaana uu ka caawinayo Somalia tababarka ciidamada iyo dib u dhiga dowladnimada.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Somalia ku sheegay waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM