​Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay arrinta wabiga Shabeelle

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay arrimo kala duwan isagoo si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda doorashada, biyaha Wabiga Shabeelle, xiriirka dowladaha Maraykanka iyo Ruushka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta wabiga Shabeelle gaar ahaan wararka sheegaya in dowladda Ethiopia xiratay biyihii wabigaas, ayaa tilmaamay inaysan arrintaasi ku dhaqaaqi karin maadaama ay jiraan shuruuc caalami ah.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray iysan ka suuro gali karin tallaabooyin caykaasi ah, isagoo tilmaamay inay baari doonaan cabashada ku saabsan wabiga dhawaan guray.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xiriirka Somalia kala dhaxeeya dalka Ruushka iyo booqasho Wasiirka koowaad xukuumadda Somalia ku joogo dalkaasi, wuxuuna sheegay inay soo celinayaan xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada waddan ka dhaxeeyay.

Wuxuu intaasi ku daray inaan la dulmi dowlad waddanka Somalia ku leh daymo badan, taasoo macnaheed uusan sharaxin balse u muuqatay inay gogol xaar u tahay sidii Ruushku markale ugu lug lahaan lahaa siyaasadda Somalia.

Xiriirka kala dhaxeeya dalka Maraykanka, ayuu soo hadal qaaday isoo tilmaamay inuu aad u wanasanyahay  islamarkaana uu ka caawinayo Somalia tababarka ciidamada iyo dib u dhiga dowladnimada.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Somalia ku sheegay waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM