Madaxweynaha Somalia oo kahadlay weerarka Al-Shabaab gobolka Gedo

Image

16 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee saldhigga ciidamada Kenya deegaanka Ceelcadde gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inaysan hakin doonin howlaha nabadaynta dalka Somalia.

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey, iyagoo gudanaya hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono,’’Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Somaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Xaaladda deegaanka dagaalku kadhacay ee Ceelcadde ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, waxaase jira diyaarado kasocda dalka Kenya oo dul heehaabaya hawada deegaankaasi, waxayna baadi goob ugu jiraan ciidamo waddankaasi kasoo jeeda oo firxad duurka ugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM