Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Ergayga cusub Qarmada Midoobay

Image

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Ergayga cusub ee dhawaan Qaramada Midoobay usoo wakiilatay Somalia danjire Mr Keating. 

Kulan oo labada mas'uul ku yeesheen magalada Muqdishu, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh danjiraha cusub uga warbixiyay xaaladda Somalia, wuxuuna tilmaamay inay hormar kasameeyeen dhinacyada amniga, siyaadda iyo hormarka waddanka. 

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u joogi doona dalka Somalia Mr Keating ayaa dhankiisa madasha ka hadlay, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerad dowladda Somalia, isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay ka howl galidiisa Somalia. 

Keating ayaa badal Nicholas Kay oo muddo labo sano iyo bar ah kasoo shageeyay Somalia, wuxuuna kusoo beegmay xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo la isku fahmi la'yahay qaabka lagu wajihi doono doorashada 2016. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM