​Madaxweynaha Somalia oo mashruuc dhagax dhigay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu balaarinayo isbitaalka Sheekh Za’id ee magaalada Muqdishu.

Mashruucan uu maanta Madaxweynaha dhagax dhigay ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh, ayaa ku ammaanay Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

“Walaalaheena Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina garab istaagaan. Mashruucan waa mid waxtar u yeelan doona shacabka Soomaaliyeed,’’Ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, diblomaasiyiinta dalalka shisheeye u fadhiya waddanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM