​Madaxweynaha Somalia oo Puntland ugu hambalyeeyay qaadashada 4.5

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa hambalyo u diray shacabka iyo xukuumadda Puntland isagoo ku bogaadiyay qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa arrintaasi lagu cadeeyay, waxaana lagu ammaanay Ra'isal wasaare Cumar iyo dowladda Puntland dadaalka ay u galeen danta umadda Somaliyeed.

Hambalyada madaxweynaha ayaa soo baxday xilli maanta magalada Garowe soo gaaren wufuud kasocota beesha Calaamka kuwaasi oo marag ka noqonayaa hishiis dhexmaraya labada dhinac oo muddo ku dhow wadahadal uga socday magaalo madaxda Puntland.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo qaabkan u qornaa

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016-ka

Muqdisho, April 3, 2016: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu bogaadinayaa dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo dowladda Puntland u galeen horumarinta danta Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Sidoo kale qabyo-qoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacabka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soomaaliya.

-----------DHAMMAAD------------

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM