Madaxweynaha Somalia oo saxiixay xeerka saxaafadda

Image

10 January, 2016(GO)-Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud Sabtidii 09 January ayaa lagu saxiixay xeerka saxaafadda dalka ee dhawaan meel mariyay golaha shacabka Somaliyeed.

Xeerka madaxweynuhu saxiixay waxaa ka jiray cabashooyin kasoo yeeraysa saxaafadda Somalida kuwaasi oo kabiyo diidsan qodobo ku jira xeerka oo saamayn ku yeelan doona shaqada saxafiga.

Qoraal dhawaan kasoo baxay ururka saxafiyiinta Puntland MAP ayaa lagu sheegay inaysan raali kanoqon doonin xeerkan, waxayna ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn marxaladda dalka iyo qaabka wariyaasha Somaliyeed ku shaqeeyaan.

Balse, xeerkan waxaa taageeray ururka warbaahinta Somaliyeed NUSOJ iyo wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin tallaabada Barlamanku qaaday iyagoo madaxweynaha kacodsaday inuu qalinka ku duugo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM