Madaxweynaha Somalia oo saxiixay xeerka saxaafadda

Image

10 January, 2016(GO)-Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud Sabtidii 09 January ayaa lagu saxiixay xeerka saxaafadda dalka ee dhawaan meel mariyay golaha shacabka Somaliyeed.

Xeerka madaxweynuhu saxiixay waxaa ka jiray cabashooyin kasoo yeeraysa saxaafadda Somalida kuwaasi oo kabiyo diidsan qodobo ku jira xeerka oo saamayn ku yeelan doona shaqada saxafiga.

Qoraal dhawaan kasoo baxay ururka saxafiyiinta Puntland MAP ayaa lagu sheegay inaysan raali kanoqon doonin xeerkan, waxayna ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn marxaladda dalka iyo qaabka wariyaasha Somaliyeed ku shaqeeyaan.

Balse, xeerkan waxaa taageeray ururka warbaahinta Somaliyeed NUSOJ iyo wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin tallaabada Barlamanku qaaday iyagoo madaxweynaha kacodsaday inuu qalinka ku duugo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM