Madaxweynaha Somalia oo tagaya Jowhar

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan magalada Jowhar xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo kasocota qaban qaabada shirka maamul u samaynta Shabeelaha dhexe iyo Hiiran.

Ujeedka socdaalka Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay furitaanka madasha wadatashiga shirka maamul usamaynta labadaasi gobolka kaaso maanta furmaya Jowhar.

Socdaalka waxaa madaxweynaha Somalia kuweheliya Wasiirro iyo Xildhibaano kasoo jeeda labada gobol ee maamulka loo dhisayo, waxayna qayb kayihiin wufuud todobaadkan kusoo qulqulaysay magalada Jowhar.

Waxaa isla maanta lafilayaa inay tagaan mas'uuliyiin kale oo ka imaanaya maamullada dalka kuwaas oo marag kanoqonaya furitaanka shirkaas.

Dhanka kale Ergooyin kasocda gobolka Hiiraan ayaa kuwajahan degmada shirka martigalinaysa.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka dhooban ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM