Madaxweynaha Soomaaliya oo aqoonsaday Israa’iil kuna baaqay in la dhiso dawlad Falastiin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Arab News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha ayaa dhaliyay muran baahsan ka dib markii uu sheegay inuu aqoonsanyahay dowladda Israa’iil, isagoo ku nuux-nuux saday inuusan cadaawad u qabin Yahuudda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Shacabka Falastiin ay helaan xuuqadooda, wuxuuna sheegay in Khilaafka Falastiin uusan ku xirnayn diin iyo qowmiyad uuna yahay arrin taabanaysa bini’aadantinimada.

"Ma necbayno Yuhuuda, waanu aqoonsannahay jiritaanka dawlad Israa'iil ah, laakiin waa in shacabka Falastiin loo ogolaado inay aayahooda ka tashadaan oo ay dhistaan ​​dawladooda."

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo asalka taariikhiga ah ee khilaafka, oo aan la raadin oo kaliya xalka lagu gaari lahaa dhacdooyinka haatan taagan.

Bulshda Soomaaliyeed ayaa si kala duwan uga falceliyay hadalada madaxweynaha, iyaga oo u kala qeybsamay garab taageeray iyo kuwoo ka soo horjeestay hadaladaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM