Madaxweynaha Soomaaliya oo aqoonsaday Israa’iil kuna baaqay in la dhiso dawlad Falastiin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Arab News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha ayaa dhaliyay muran baahsan ka dib markii uu sheegay inuu aqoonsanyahay dowladda Israa’iil, isagoo ku nuux-nuux saday inuusan cadaawad u qabin Yahuudda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Shacabka Falastiin ay helaan xuuqadooda, wuxuuna sheegay in Khilaafka Falastiin uusan ku xirnayn diin iyo qowmiyad uuna yahay arrin taabanaysa bini’aadantinimada.

"Ma necbayno Yuhuuda, waanu aqoonsannahay jiritaanka dawlad Israa'iil ah, laakiin waa in shacabka Falastiin loo ogolaado inay aayahooda ka tashadaan oo ay dhistaan ​​dawladooda."

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo asalka taariikhiga ah ee khilaafka, oo aan la raadin oo kaliya xalka lagu gaari lahaa dhacdooyinka haatan taagan.

Bulshda Soomaaliyeed ayaa si kala duwan uga falceliyay hadalada madaxweynaha, iyaga oo u kala qeybsamay garab taageeray iyo kuwoo ka soo horjeestay hadaladaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM