Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa gaarey Cadaado [Dhageyso]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa caawa gaarey Cadaado, oo ah magaalo madaxda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga Farmaajo waxaa soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Xildhibaanno iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Madaxweynaha ayaa xilliga maqribkii ee caawa gaarey Cadaado, isagoo kasoo ambabaxay maanta magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug oo labadii maalin ee ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Cadaado dhaweynta ay u sameeyeen, oo tan iyo saaka taagnaa wadooyinka iyagoo ku labisnaa dharka Calanka, watayna sawirka Madaxweynaha.

Safarka ee Madaxweyne Farmaajo uu Cadaado ku tagey ayaa ah mid Dib-u-heshiisiin ah, oo uu kusoo afjarayo khilaafka gobollada dhexe ka taagan, isagoo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa la filayaa inuu uga sii gudbo Cadaado dhanka magaalada Dhuusamareeb, oo gacanta ay ku hayaan Ahlu Sunna, oo dhawaan heshiis awood-qeybsi ah la galay maamulka Galmudug.

Xildhibaanno katirsan labada aqalka ee Baarlamaanka, Wasiirro, Mas'uuliyiin kala duwan iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku sugan Dhuusamareeb, oo lagu qabanayo shir dib u heshiisiin ah.

Waa safarkii ugu mudada dheeraa oo Madaxweyne Farmaajo ku bixiyo gobollada dalka tan iyo markii la doortey bishii February 8, 2017, waxa uu booqashadiida ugu horeysay ku tagey Puntland oo 7 maalmood ku sugnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM