Madaxweynaha Soomaaliya oo gaarey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey galabta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo ambabaxay magaalada Cadaado isla gobolka Galgaduud ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagey Dhuusamareeb, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka wadada isku xirta labada magaalo.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Wasiirro, Xildhibaanno, Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug, oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Soo dhaweyn diiran ayaa Madaxweynaha loogu sameeyay magaalada markii uu soo galay, waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyadda, halkaasi oo la filayo inuu berri ka furmo shir lagu midaynayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Safarka Farmaajo oo loogu magac daray "Socdaalka dib u heshiisiinta" ayaa waxa uu ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb oo maanta uu gaarey.

fahfaahin iyo Sawirro ku saabsan Warkan, kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM