​Madaxweynaha Soomaliya oo baaritaan caafimaad u aaday Jarmalka

Image

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta baaritaan caafimaad u aaday dalka Jarmalka gaar ahaan magalada Berlin, isagoo maraya hubin caafimaad sida ay noo xaqiijiyeen ilo  ka agdhow madaxtooyada dalka.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa qaadan doona muddo kooban, waxaana lafilayaa inuu u tagi doono dhaqtar jooga Berlin kaasi oo sannadkii hore sidaan oo kale u booqday.

Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ayaa la sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan, balse waxa la tilmaamay inuu hubinayo maadama uu muddo shaqaynayay haddana dalku gali doono marxalad kala guur ah.

Wararka ku saabsan socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inaysan qayb ka ahayn arrimo siyaasadeed, balse waxaa hubinta xaaladdiisa caafimaad kadib dib ugu soo noqon doonaan dalka Soomaaliya.

Sannadkii hore 2015, mar uu ka hadlayay baaritaanka caafimaad ee dalka Jarmalka u tago, wuxuu sheegay inay tahay arrin caadi ah oo dhammaan madaxdu maraan maadama shaqadoodu badantahay had iyo jeerna fursad u helin taxadarka fayoqabkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM