Hogaamiyaha “SSC-Khatamo” oo reer Sool kala hadlay midnimada Soomaaliyeed

Image
SAWIR HORE

LAASCAANO, Soomaaliya - Hogaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo taageerayaashiisa kula hadlay duleedka magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyay guushii ay maanta ka gaareen dagaalkii Goojacade.

Hogaamiyaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka ku dhaqan gobolka Sool guulaha la gaaray, isagoo sidoo kale ku ammaanay doorkii ay ka qaateen iyo garab istaagii ay muuujiyeen tan iyo markii uu curtay Kacaanka Buluugga ah.

Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiyeayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay in waxa maanta lagu guuleystay ay tahay midnimada Soomaaliyeed.

Firdhiyeayaa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah sida ay u cambaareeyeen weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Somaliland ku xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gacan siiso shacabka reer Sool oo ay u fidiso adeegyada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo suurta-gelisay in Qaliinkii ugu horeeyay Wadnaha Furan lagu sameeyo Soomaaliya

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegtay inay kafaallo qaadey fulinta adeeggan qaliimadda.

  • Soomaliya

    27-01-2025

  • 11:23AM

Soomaaliya: Puntland oo soo saartay amar culus xili ay dagaal ku jirto

Ganacsiyada yaryar ee aan shati lahayn ee ka howlgala suuqyada dadweynaha waa la mamnuucay.

  • Soomaliya

    26-01-2025

  • 08:50AM