​Madaxweynayaasha Galmudug iyo DDSI oo Jigjiga kuwada hadlaya

Image

JIG-JIGA- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa shalay gaaray xarunta dowlad deegaanka Somalida Ethiopia, waxaana halkaasi ku soo dhaweyay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ujeedka socdaalka Cabdikariim, ayaa lagu sheegay xal ka gaarista dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Daac-dheer kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux kadib markii ay is fara saareen ciidamada Liyuu Boliis iyo dadka reer guura dhinaca Galmudug kasoo jeeda.

Dagaalkaasi ayaa labada dhinac isku eedeeyeen, waxaana maamulka Jig-jiga uu sheegay in arrintaasi dabada ka wado Galmudug islamarkaana mallayshiyaad hubaysan oo xiriir la leh Al Shabaab u soo direen xuduuda deegaanadooda.

Balse, warkaasi waxaa beeniyay wasiirka Amniga Galmudug Taar-dhuleed oo la hadlay warbaahinta.

Labada hogaamiya ayaa maanta la filayaa in wada hadal uga furmo Jig-jiga islamarkaana xal laga gaaro arrimaha labada dhinac kusoo noq noqday.

Axmed Madoobe, ayaa garwadeen ka noqon doona hishiiska labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM