Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kormeer ku tagay xiro laga saaray Ciidamo Itoobiyaan ah

Image
Kooxda “AS” ayaa wali ku xooggan maamulka Jubbaland.

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland (Madhammaato).

Madaxweyne ku xigeenka ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland, kuwaas oo loo diyaariyay la dagaalanka kooxda “AS”.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad dhiiri-gelin ah oo ka hor jeediyay ciidamada ku sheegay:

“Waxaa qeyb ka tihiin dadaalka loogu jiro sidii anmiga degaannada Jubbaland loo sugi lahaa waxaana ka qeyb qaadan doontaan dagaalka dalka looga saarayo kooxda AS”.

Xerada (Madhamaato) ayaa waxaa dhawaan laga saaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS, waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Kooxda “AS” ayaa wali ku xooggan maamulka Jubbaland mana jira guluf colaadeed oo la mida kuwa “AS” looga saaray deegaannada muhiimka ah ee ka maamuli jirtay gobollada dhaxe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM