Madaxweyne Xasan Sheekh: 4 Kun Neef oo Xoolo ah ayay fatahaadahu ku laayeen deegaanada dalka

Image
140,000 oo guri ayaa ku burburay fatahaadaha sidoo madaxweynaha sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle iyo Jubba oo ku dhuftay deegaano ka tirsan dalka.

Musiibadan bini'aadantinimo ayaa saamaysay laba milyan oo qof, waxaana tirada dhimashadu gaartay 101 qof, halka in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

Dadka ku nool Miyiga ayuu sheegay madaxweynaha in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyeen fatahaadaha, maadaama ay ku waayeen ku dhawaad ​​400 Kun oo neef oo xoolo ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 140,000 oo guri ay ku burbureen fatahaadaha, waxaana sidoo kale ku burburay buundooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, halka kuwoo kale ay ku dhaw yihiin inay go’aan.

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed fariin u diary ayaa yiri: “Waxaad heysato wax ka bixi, ha is dhihin waa ay yaryihiin. Waa aduunyo & Aaqiro wanaagsan oo isla socda, dal iyo dibadba aan u midowno badbaadinta naf Soomaali ah”.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay qeylo dhaan ka soo yeertay xildhibaanada baarlamaanka oo ku baaqaya in lala xisaabtamo mas’uuliyiintii ka gaabisay wax u qabashada dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM