Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey caasimadda Masar

Image
Safarkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu dhigiisa dalkaas ka helay marti-qaad rasmi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kadib markii uu dhigiisa dalkaas ka helay marti-qaad rasmi ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee labada dal, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas," ayaa lagu bilaabay qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab".

Socdalakan ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo salka ku haya in Addis Ababa ay heshiis la gashay maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM