Madaxweyne Xasan Sheekh oo ansixiyay Sharciga Hantidhowrka Qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Sharcigan xasaasiga ah ayaa la jaan qaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xubnaha Aqalka Sare, Xildhibaanada, iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan sida hufan ay uga qeyb qaateen horumarinta iyo ansixinta sharcigan.

Mas’uuliin ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijiyay in talaabadan ay astaan u tahay dadaalka ee Dowladda Soomaaliya ku bixinayso tayaynta maamulka hantida qaranka si loo dhameystiro barnaamijka deyn cafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM