Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday la kulanka RW Abiy Axmed

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo cadaadis lagu saarayo Abiy Axmed

Muqdisho, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay inay kulan la yeelato maamulka Abiye Axmed, kaas oo ku saabsan khilaafka ka taagan Geeska Afrika, isla markaana la xiriira heshiiskii Itoobiya ay la geshay maamulka Somaliland, 

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayay inuu kulan la yeesho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS uu ku gacan seyray dalabka Abiye Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan la geli doonin RW Itoobiya wadahadal intii uusan ka laaban heshiis beenaadkii uu ku daray gobonimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waddo dadaallo diblomaasiyadeed kaas oo ku wajahan in cadaadis la saaro taliska Abiy Axmed si uu u buriyo heshiiskii lagu tilmaamay mid “Sharci darro” ah.

Labada hogaamiye ee haatan ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa jira isku day ay hormuud ka yihiin wadamada gobolka si ay u yeeshaan wadahadal lana dejiyo xiisada ka aloosan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM