Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday la kulanka RW Abiy Axmed

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo cadaadis lagu saarayo Abiy Axmed

Muqdisho, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay inay kulan la yeelato maamulka Abiye Axmed, kaas oo ku saabsan khilaafka ka taagan Geeska Afrika, isla markaana la xiriira heshiiskii Itoobiya ay la geshay maamulka Somaliland, 

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayay inuu kulan la yeesho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS uu ku gacan seyray dalabka Abiye Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan la geli doonin RW Itoobiya wadahadal intii uusan ka laaban heshiis beenaadkii uu ku daray gobonimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waddo dadaallo diblomaasiyadeed kaas oo ku wajahan in cadaadis la saaro taliska Abiy Axmed si uu u buriyo heshiiskii lagu tilmaamay mid “Sharci darro” ah.

Labada hogaamiye ee haatan ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa jira isku day ay hormuud ka yihiin wadamada gobolka si ay u yeeshaan wadahadal lana dejiyo xiisada ka aloosan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM