Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dubai

Image
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhibaatada fatahaaddu ay saameysay 2 Milyan oo Soomaali ah.

DUBAI (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmi doono dalkaas.

Waxa uu shirka ku soo bandhigi doonaa saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, iyo muhiimada in la helo taageero caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale iftiimin doona qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM