Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jeddah

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni.

Jeddah (GO) - Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jeddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Dowladda oo qoraal ku saabsan booqashadan soo saartay ayaa ku sheegtay:

“Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni, taasoo ay ugu wacan tahay mucaaradad xooggan oo gudaha ah, Puntland oo kalsoonida kala noqotay dowladda federaalka, iyo AS oo Ciidamada Dowladda kala wareegtay deegaano badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Cabdishakuur: Xasan Sheekh wuxuu iska indhatiray dagaalka Puntland kula jirto Daacish 

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay wado howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish kaasoo ka socda Gobolka Bari.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 05:18PM

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh ku eedeeyay "kaligii talisnimo"

Guddiga Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha ayaa laga sugayaa inay diyaarinayaan Doorasho Qof iyo Cod ah.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 03:07PM