Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay diyaarinta hiigsiga fog ee horumarinta Soomaaliya oo uu ugu magac daray Hiigsiga 2060-ka, xilli uu ka qeyb galayay dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya”.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay aragtidan, taasoo saldhig u ah abuurista qorshe oo dammaanad qaadaysa xasiloonida geeddi-socodka horumarineed ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale xusay in Hiigsiga 2060-ka ee Soomaaliya uu ka tarjumayo boqol-guuradii ka soo wareegatay Xornimada Qaranka Soomaaliya. Isaga oo ku nuux-nuuxsaday in hadafkiisu uu yahay in sanadka 2060-ka uu Soomaaliya noqoto dal horumarsan.

Madaxweynuhu wuxuu faray dhammaan wasaaradaha in ay ka qaybqaataan qorshahan, isaga ooo sheegay in tallaabadan ay muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay mudnaan siiso qorsheynta mustaqbalka fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM