Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, sida lagu shaaciyay Warbaahinta Dowladda.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka “AS’ iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shir ay isugu imaanayaan madaxda caalamka oo looga hadlayo iskaashiga dalalka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirka ka jeedin doona khudbad oo uga hadlayo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab iyo guulihii ay ku tilaabsatay DF mudadii la so dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM