Madaxweyne Xasan Sheekh oo safiirka Shiinaha kala hadlay xiisada ka taagan Geeska Afrika

Image
Safiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan gobonimada midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Beijing (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao.

Safiirka ayaa inta kulanka lagu guda jiray ku nuuxnuuxsaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Intaas ka dib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta axdiga Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM