Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Caasimadda Sucuudi Carabiya

Image

RIYADH (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isaga oo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh sida lagu sheegay warbaainta dowladda.

Madaxweynaha ayaa booqasho Shaqo & Caafimaad ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi. Sidoo kale wuxuu ku galay qaliin looga sameeyey dhanka garabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyadh uga qeyb gali doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Shirkan ayaa looga arrinsan doona arrimo la xiriira dhaqaalaha, waxaana lagu lafa guri doona dagaalka Qasa iyo sida ay wadamada Carabta ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada halkaas ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM