Madaxweyne Xasan Sheekh oo malaac ka muujiyay doorashada Puntland

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Mohamud oo habeenkii xalay ahaa ka hadlayay hawlgalka ciidanka xooga dalka ee Alshabaab ka dhanka ah ayaa soo hadal qaaday doorashada Puntland.

"Doorashada Puntland oo iyadana wakhtigeedu soo dhawaaday dadku walaac ayay ka qabaan" ayuu yiri madaxweynuhu.

Tan ayaa ka dhigan in uu wali taagan yahay walaaca dowlada federaalka Soomaaliya ka qabto muddo kororsi iyo xukun jujuub dhiig ku daato oo uu isku dayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu dhamaadka yahay, Siciid Deni.

Bartimihii sanadkaan ayay ahayd markii dagaal Garowe ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 30 qof iyada oo uusan wali ka hadlin kana tacsiyeyn Deni.

Hogaamiyaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ayaa lagu bartay colaaddda Galkacyo, Boosaaso iyo caasimada Garowe kuwaasi oo dhamaan lala xiriiriyay arimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM