Madaxweyne Xasan Sheekh oo malaac ka muujiyay doorashada Puntland

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Mohamud oo habeenkii xalay ahaa ka hadlayay hawlgalka ciidanka xooga dalka ee Alshabaab ka dhanka ah ayaa soo hadal qaaday doorashada Puntland.

"Doorashada Puntland oo iyadana wakhtigeedu soo dhawaaday dadku walaac ayay ka qabaan" ayuu yiri madaxweynuhu.

Tan ayaa ka dhigan in uu wali taagan yahay walaaca dowlada federaalka Soomaaliya ka qabto muddo kororsi iyo xukun jujuub dhiig ku daato oo uu isku dayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu dhamaadka yahay, Siciid Deni.

Bartimihii sanadkaan ayay ahayd markii dagaal Garowe ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 30 qof iyada oo uusan wali ka hadlin kana tacsiyeyn Deni.

Hogaamiyaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ayaa lagu bartay colaaddda Galkacyo, Boosaaso iyo caasimada Garowe kuwaasi oo dhamaan lala xiriiriyay arimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM