Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo si kulul uga hadlay dagaalka lagula jiro ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku dhaliilay wareysii uu siiyay Warbaahinta Hanoolaato qaabka loo wado dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qaar ka mid ah beelaha dega dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle aysan dooneyn inay galaan dagaal ka dhan ah 'AS', isagoo ku baaqay in lala galo wada hadal si loo ogaado sababaha ka dambeeya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Faqi, isaga uu ku tilmaamay in uu taageeray “Shaqsigii ka dambeeyay Qaraxyadii Zoobe ee Muqdisho”, iyadoo ay jiraan Beelo kale oo diyaar u ah inay wiilashooda u huraan sidii Al-Shabaab looga xorreyn lahaa dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale eedeymo u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Nuur oo uu ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo shaqada Ciidamada, iyo in uu Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbayo warar been abuur ah, isla markaana uu soo saaray amaro ka qeyb qaatay in la laayo qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Ciidamada.

Waare waxa uu carabka ku adkeeyay in degmada Maxaas aysan noqon doonin mid xalisa dhammaan dhibaatooyinka heysta Madaxweynaha ee ku aadan dagaalka, loona baahan yahay in uu la hadlo beelaha kale ee Koonfurta ku dhaqan.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh uu degamda Maxaas u tagay sidii uu halkaasi ugu soo abaabuli lahaa ciidamo deegaanka ah oo ka qeyb qaata xorreynta Bariga Gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM