​Mallayshiyaad katirsan Shabaab oo lagu dilay Buulo-Burte

Image

MUQDISHU- Saraakiil katirsan dowladda Somalia, ayaa sheegay inay dileen horjoogayaal iyo mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab kadib howlgal ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaan 40KM u jira degmada Buulo-burte gobolka Hiiran.

Dowladdu ma sheegin tirada iyo magacyada horjoogayaasha la dilay, balse waxay tilmaameen in lagu weeraray saldhigooda degmadaasi.

Dhinaca kale guddoomiyaha Buulo-burte Cabdicasiis Duuroow Cabdi, ayaa Radio Muqdishu u sheegay in howlgalkaasi lagu laayay koox Shabaab katirsan kuwaasi oo tilmaamay inay dhibaato ku hayeen bulshada deegaanka.

Wuxuu soo jeediyay inay dowladdu u howl gasho qaabkii deegaanka looga sifayn lahaa degmada, wuxuuna intaasi raaciyay inay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka iyagoo ka qaada lacago sharci darro oo ay ugu yeeraan "Zakawaat".

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli shalay Maraykanku sheegtay inay duqayn ka gaystay Koofurta Somalia, gaar ahaan degmada Af-gooye.

Waxaa siyaaday howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee lagu qaadayo saldhigyadooda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM