Maqaaxi ay ku sugnaayeen ciidamadda Soomaaliya oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo Miino oo ka dhacay maqaaxi ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ka gudaha degmada Awdheegle, gobolka Shabelelaha Hoose.

Ugu yaraan afar qof – saddex shacab ah iyo hal askari – ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen falkaas aysan jirin koox sheegatay.

Tirro kale oo joogtey goobta ay wax ka dhaceen ayaa lasoo wariyey in ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxyadda oo jugtooda si xiriir ah loo maqlay.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay falalka noocaas ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay baaritaano ku bilaabeen dhacdadaas. Balse, ma aysan caddeyn hadii ay hayaan caddeymo ku fulin, hadda.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dhaawacyadda askarta loosoo qaadey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay 2019 ayay ahayd markii Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ay qabsadeen Awdheegle kadib markii ay isaga baxeen dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM