Maraykanka oo sii wadaya taageeradda Soomaaliya xili ay baxayaan Ciidanka ATMIS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay sii wadayso taageeradda dowladda Soomaaliya si ay uga adkaato Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa yimid xili Villa Somalia dalbatay hakinta dhimsta ciidamada ATMIS kaas oo ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 19-kii bishan.

Ku-simaha Safiirka Mareykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay la shaqeynta ATMIS iyo ka jawaabista baahiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dagaal dalka looga sifeynayo Al-Shabaab, taas oo muhiimad gaar siinaysa in la xoojiyo kaalmda ay dowladdu iyo ciidamada dalka ka heliyaan wadamada Afrika iyo caalamka.

Codsigan ayaa sidoo kale iftiiminaya kalsooni daradda ay mas'uuliinta ku qabaan awoodda ay ciidamadu ku xaqiijinayaan amaanka dalka ka dib ATMIS, arrintaas oo mugdi gelinaysa mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM