Mareykanka oo bogaadiyey heshiiska Dowladda iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku bogaadisay heshiiska ay Khamiista maanta ah ku dhawaaqeen dowladda iyo Ahlu Sunna.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu Sunna ay 20-xubnood ku yeelan doonto baarlamaanka cusub ee maamul goboleedka Galmudug.

Qoondada Ahlu Sunna ee Golaha Wakiiladda Galmudug ayaa kamid ahayd qodobadii ka taagnaa khilaafka ee dhaliyey dib-u-dhacyadii geedi-u-socodka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ).

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.

Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.

Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM