Mareykanka oo dalalka Khaliijka uga digay inay u diyaar garoobaan weerarro suurtagal ah oo lagu qaado Iran doorashooyinka kadib
Mareykanka ayaa dalalka Bariga Dhexe uga digay inay u diyaar garoobaan weerarro militari oo cusub oo suurtagal ah in lagu qaado Iran, kadib doorashooyinka golayaasha Barlamanada ee Mareykanka ee dhacaya 3-da Nofeembar, sida ay weriyeen wargeyska Wall Street Journal iyo wakaaladda wararka ee Associated Press (AP).
Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada, ayaa sheegay in Washington ay dhowr dal oo Carbeed oo Khaliijka ku yaalla ku wargelisay inay u diyaar garoobaan olole militari oo kooban, balse aad u xooggan.
Wakaaladda AP, oo soo xiganaysa laba diblomaasi, ayaa iyaduna sheegtay in saraakiisha Mareykanku ay dalalka gobolka iyo xulafadooda uga digeen suurtagalnimada weerarro cusub iyo in Iran ay weerarro aargoosi ah ku qaadi karto dalalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyiinta ayaa caddeeyey in Madaxweyne Donald Trump uusan weli gaarin go'aan kama dambays ah oo ku saabsan weerarrada cusub.
Wararkan ayaa soo baxaya xilli Trump uu ku celcelinayo hanjabaado ku saabsan inuu mar kale weerari karo Iran.
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda gobolka, lana xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed.
Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale werisay in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ay Iran u gudbiyeen hindise heshiis cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka. Hase yeeshee, sarkaal sare oo Iranian ah ayaa hindisahaas ku tilmaamay fikrado aan la aqbali karin, oo aan ahayn soo jeedin heshiis oo dhab ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Tehran ay weli xiriir la leedahay dhexdhexaadiyeyaasha, isla markaana ay sii wadayso dadaallada lagu raadinayo xal diblomaasiyadeed.
GAROWE ONLINE