Mareykanka oo Duqeyn cirka ah ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa sheegay in weerar cirka ah ay ka fuliyeen Khamiistii lasoo dhaafay duleedka magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday meel 30 Mile Muqdisho uga beegan Koonfur Galbeed lagu dilay 12 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in wax khasaaro ah uusan shacabka kasoo gaarin howlgalka military, kaasi oo noqonayo kii 15aad oo ka dhaca Soomaaliya tan iyo intii uu billowday sanadkan 2018-ka.

Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan Ciidamadiisa duqeymaha noocan ah, ee lagu difaacayo muwaadiniintiisa sidoo kalena lagu wiiqayo khatarta argagaxiso ee uga soo wajahan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay Maarso 2017 fasax ay Ciidamada Mareykanka ku kordhinayaan weerarada lagu beegsanayo Kooxaha argagaxisada Soomaaliya [Al-Shabaab iyo Daacish].

Dowladda Soomaaliya kama hadasho duqeymaha Mareykanka kuwaasi oo qaarkood khasaaro lixaad leh kasoo gaara shacabka ku nool goobaha Shabaab ay xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM