Mareykanka oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda sida gaarka ah u tababar ee Soomaalida [Ban-garaafta], oo ay wehlinaya ciidamo Mareykanka ah ayaa weerar ka fuliyay degaan hoos-yimaadda degmada Wanlawayn ee gobolka Sh/Hoose.

Dadka degaanka, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda ay wateen diyaaradaha nooca qomaatiga ukaca ee Helicopter-ka, ayna aad u hubeys-naayeen.

Qof magaciisa kusoo gaabiyay Caliyow ayaa u sheegay GO in ciidamadda ay beegsadeen Hal guri, islamarkaana ay kala soo baxeen illaa iyo saddex qof, oo ay ku qaateen Diyaaradii ay wateen.

Faahfaahinadda ayaaa waxay intaas ku darayaan in dhalinyarada loo malaynayo in loo soo qaadey dhanka Garoonka Balli-doogle ee isla gobolka, halkaasi oo Ciidamo Mareykanka iyo Soomaali isagu jira ay degan yihiin.

Ma cadda sababta loo kaxeystay saddexda qof, balse, waxaa la fahansan yahay in lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, iyo midka Afrika qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisadda wali wax war ah kama uusan soo saarin, balse, xiriiro uu Garowe Online la sameeyay saraakiisha gobolka ayaa suurageli waayay.

Bishii hore ayay kadib markii weerar ay ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah ay ka fuliyeen degaanka Macalinka duleedka Afgooye ay kusoo wateen Rag saddex qof lagu sheegay, kuwaasoo wali aan la ogayn inay soo daayeen iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM