Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ku dhaawaceen dad shacab ah

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa xaqiijiyay in dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay bishii September 2023 ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Tiro dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta ayaa ku dhaawacmay weerarkan lagu dilay 3 xubin oo ka tirsan AS. sida uu sheegtay taliska AFRICOM oo gaaray natiijadan ka dib baaris hordhac ah.

Dhinaca kale, Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa beeniyey in duqeyntaasi ay ku dhinteen dad Shacab sida ay faafisay kooxda AS.

Mareykanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada ay argagaxisadu soo qaadaan deegaanka Ceel Laheley ee gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM