Mareykanka oo ka hadlay shilka diyaaradeed ee garoonka Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in ay ka xun tahay diyaaradii maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

"Inkasta oo burburka diyaarada iyo muwaacinada ay tahay nasiib darro, hadana waxaan ku faraxsanahay in aysan jirin cid dhulka joogtay oo wax ku noqotay," ayay safaaradda ku yiri bayaan uu arkay Garowe Online.

Mas'uuliyiinta sidda deg-deg ah uga jawaabay shilka ayay uga mahadcelisay in ay isla markiiba gurmad la gaareen howlwadeenadii la socday.

Burburka diyaaradda oo ka dhacay dhabaha caga-dhigashada ayaa warar horudhac ah ay sheegayaan in uu yimid markii jaay uu ku dhacay mid kamid ah baalayasha diyaaradda, sidaas ay uga baxday dhabaha.

Warbixino kale ayaa tilmaamaya in ay taraaraxday diyaaradda maadaama garoonka oo jaay uu xalay ku da'ay roob xooggan.

Mas'uuliyiin kale ayaa rumeysan in hagayaasha garoonka oo jiho qaldan siiyey duuliyaha oo ku cusbaa madaarka uu shilka ka dhashay.

Duulimaadkan oo ka yimid Jabuuti ayaa sidday shixnad gargaar ah oo loo wadday shacabka Jabuuti. Sidoo kale, waxaa saarnaa shixnad kale oo loo wadday ciidamada AMISOM. Diyaarada waxay u kiresneydka UN-ka.

Warka qoraalka ah ee safaaradda oo tafaasiil badan aan lagu bixin ayaa waxaa lagu sheegay in gargaarka uu ka yimid Mareykanka uuna sii wadi doono taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka.

Diyaaradda burburtay oo ay lahayd shirkad laga leeyahay Kenya laguna magacaabo Bluebird Aviation waxaa saarnaa saddex shaqaale ah – duuliyaha iyo laba caawiye ah – dhamaantoodana waa la xaqiijiyey badqabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM