Mareykanka oo ka sabray askar uu ku waayay xeebaha Soomaaliya

Image
Labadan askari Ameerikaanka ah ayaa qeyb ka ahaa howlgal lagu fashiliyay markab hub waday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labada askari Ameerikaanka ah oo horaantii bishan lagu waayay gacanka cadmeed ayaan la helin, waxaana loo diiwaan-geliyay in ay dhinteen, sidda uu ku dhawaaqay taliska ciidanka Mareykanka.

Askartan ayaa qeyb ka ah howlgal lagu eryanayay markab laga leeyahay dalka Iran. Howlgal ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

"Waan ka baroor-diiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada dagaalyahan ee ciidamadda gaarka ah ee Bada, waxaanan waligeen xushmeyn doonaa naf-hurnimadooda," ayuu taliska ku qoray X(Twitter).

Taliyaha taliska CENTCOM General Michael Erik Kurilla ayaa hadal uu soo saaray waxa uu naxariis ugu rajeeyay labada askari, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay bedel wanaagsan u rajeynayaan qoysaskooda.

Mareykanka ayaa qaaday weeraro is xigxigay oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta taasoo jawaab u ah weerarada ay kooxda ku beegsatay maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas.

Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtidii shalay waxay duqeeyeen gantaalka lidka diyaaradaha ee Xuutiyiinta, kaasoo lala beegsaday gacanka cadmeed, waxaana la diyaarinayay in la rido, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM