Mareykanka oo ka sabray askar uu ku waayay xeebaha Soomaaliya

Image
Labadan askari Ameerikaanka ah ayaa qeyb ka ahaa howlgal lagu fashiliyay markab hub waday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labada askari Ameerikaanka ah oo horaantii bishan lagu waayay gacanka cadmeed ayaan la helin, waxaana loo diiwaan-geliyay in ay dhinteen, sidda uu ku dhawaaqay taliska ciidanka Mareykanka.

Askartan ayaa qeyb ka ah howlgal lagu eryanayay markab laga leeyahay dalka Iran. Howlgal ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

"Waan ka baroor-diiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada dagaalyahan ee ciidamadda gaarka ah ee Bada, waxaanan waligeen xushmeyn doonaa naf-hurnimadooda," ayuu taliska ku qoray X(Twitter).

Taliyaha taliska CENTCOM General Michael Erik Kurilla ayaa hadal uu soo saaray waxa uu naxariis ugu rajeeyay labada askari, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay bedel wanaagsan u rajeynayaan qoysaskooda.

Mareykanka ayaa qaaday weeraro is xigxigay oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta taasoo jawaab u ah weerarada ay kooxda ku beegsatay maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas.

Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtidii shalay waxay duqeeyeen gantaalka lidka diyaaradaha ee Xuutiyiinta, kaasoo lala beegsaday gacanka cadmeed, waxaana la diyaarinayay in la rido, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM