Mareykanka oo laga dalbaday in uu diido dalab ay Kenya u dirtay UN-ka

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa waxaa laga codsaday in ay ka hor-timaado dalab ka dhan ah Al-Shabaab kaasi oo ay Kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay, bishii hore.

Xukuumada Nairobi ayaa Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ka dalbatay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida lagu daro liiska argagxisisada, si dagaalka lagula jiro uu caalami u noqdo.

Kenya ayaa sidoo kale waxay soo jeedisay in hogaamiyeyaasha Al-Shabaab lagu soo rogo xayiraadyo dhaqaale iyo mid safar. [Halkan ka akhriso warka]

Hasa ahaatee diblumaasiyiin hore oo sar-sarre iyo hogaamiyeyaasha hay’addaha arrimaha bini'aadanimadda dalka Mareykanka ayaa dowladooda waxay ku booriyeen in ay qaadacdo dalabkaasi.

Shaqsiyaadkan oo qoraalkooda u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dooday in soo jeedintaasi ay khatar ku tahay howlaha bini'aadanimadda ee ay kawadaan gudaha Soomaaliya.

Washington oo tababarta ciidamo Soomaali ah oo la dagaalama Al-Shabaab iyo Daacish ayaa xukuumadda federaalka ah waxay siisaa taageero dhinaca ammaanka ah iyo bini'aadanimadda.

Al-Shabaab ayaa si lamid ah gulufyo dhimasho badan sababa oo ay ku beegsato shacab iyo ciidan waxay ka fulisaa Kenya tan iyo markii ciidamada dalkaasi ay ku biireen howlgalka AMISOM.

Ururka uu horkacayo Axmed Cumar Abuu Cubeyd oo aad loo doon-doonayo ayaa kamid ah liiska kooxaha loogu argagixisadda ee hogaamiyeyaashooda ay xayiraada saartay Qaramadda Midoobay.

Mareykanka ayaa wuxuu ka tirsan yahay shanta dal ee codka diidmadda qayaxan ku leh Golaha Ammaanka UN-ka, halkaasoo ay ku wehliyaan; Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Warbixin dhowaan ay soo saartay UN-ka ayaa lagu bidhaamiyay in shacabka ugu badan ee sanadkii hore lagu laayey Soomaaliya ay ku baxeen gacanta dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM