UN-ka oo shaaciyay cidda dishay boqolaal lagu laayey Soomaaliya

Image

WASHINTONG, US – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan waxyeeladda shacabka loo geystay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa waxay tilmaamtay in intii u dhaxeysay 14 December 2018 iyo 4 May lagu dilay, guud ahaan Soomaaliya, 757 rayid ah.

Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in 72% shaqsiyaadkaasi ay ku baxeen weeraradda maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku xusan qoromadda, 9% oo kamid ah xubnahaasi ayaa waxaa khaarijiyey ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in 10% ay ku naf-waayeen gacan aanan la aqoonsan, oo ay ku jirto 6% oo ah duqeymo ay fuliyeen diyaarado aanan heybtooda la garan.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, oo kasoo kabanaya colaado sokeeye tan iyo burburkii 1991-dii, ayaa lagu sheegaa in uu kamid yahay wadamada ugu badan ee sanad kasta lagu laayo rayidka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo ah khatarta ugu weyn ammaanka waddanka ayaa fulisa howlgalo isugu jira qaraxyo gaari iyo is-miidaamin si lamid ah weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM