Mareykanka oo mar kale duray heshiis-beenaadka Abiy iyo Biixi

Image
Xukuumadda Washington ayaa waxa ay garab-istaag u muujisay madax-banaanida Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Maraykanka ayaa mar kale waxa ay aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Molly Phee oo ah Kaaliya Xogheeyaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika oo ka hadlaysay shir jaraa'id oo ku qabsoomay qaab online ah ayaa ka dhawaajisay hadalkan.

Phee ayaa tibaaxdey inay taageersan tahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

"Mareykanka ayaa la wadaaga Midowga Afrika, IGAD, iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyo sidoo kale inta badan saaxiibada Afrika ee qaaradda, aragtida ku aadan in in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya," ayay tiri.

Waxay raacisay: "Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiskan is-afgaradka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland kaasoo wax weyn u dhimi karo halgankeenna  ka dhan ah AlShabaab saameynta xunna ku leh dadka Soomaaliyeed". 

Phee oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay kusoo gabagabeysay: "Waxaan taageeraynaa wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ee ku saabsan mustaqbalka ay wadaagaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM