Mareykanka oo qirtay in uu rayid ku dilay duqeyn uu ka fuliyey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qirtay in duqeyn 24-kii Febraayo sanadkii 2019 uu ka fuliyey tuulada Kuunya Barow, gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ay shacab waxyeelo kasoo gaareen.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyey in laba qof oo shacab ahaa ay ku geeriyoodeen weerarkaas dhanka cirka ahaa, saddex kelana ku dhaawacmeen.

AFRICOM oo aan kala caddeyn hadii ay magdhow ka bixin doonan ayaa xilligaas ku tilmaamtay dadkaas dagaalameyaal ka tirsan maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

William Gayler, agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dib-u-eegis ay ku sameeyeen eedeymo waqtigaas soo gaarey oo ahaa in ay rayid laayeen ay ogaadeen in ay xaqiiqo tahay.

"Waxaan helnay muuqaal muujinaya qof u muuqda shacab oo kasoo baxaya goob. Balse ma aanan arkeyn ruux kale.Ku talgalkeena ma ahan in aan dilno ama dhaawacno shacab, diyaar waxaan u nahay isla xisaabtanka, inta aan karno waana fur-furanahay," ayuu sarkaalkan Ameerikaanka ah ku daray.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga Al-Shabaab ayuu eedeeyay baahinta warar been abuur ah oo ku saabsan duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Tan iyo 1-dii Febraayo, 2019 illaa iyo 31-dii Maaj, 2020, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay 91 howlgal oo dhanka cirka ah; 27 kamid ah waxaa hareeyay eedeymo dil shacab, waxaana ku socota dib-u-eegis.

Dhinaca kale, Hay'adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, Amnesty, oo soo dhaweysay qiraalka uu sameeyay Mareykanka ayaa ku qeexdey talaabo loo qaadey dhanka isla xisaabtanka, wallow ay codsatay in la joogteeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM