Mareykanka oo saldhigyo cusub ka sameysanayo Soomaaliya

Image
Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu dalka u fidin doono taageero milateri.

Muqdisho, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu saldhigyo cusub ka sameysanayo Soomaaliya, taaso qeyb ka ah dadaalada ciidamada Soomaaliya loogu diyaarinayo inay Howlgalka ATMIS kala wareegaan Mas’uuliyadda Amaanka.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay taageeradan inta lagu guda jiray kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon.

Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu Soomaaliya u fidin doono taageero milateri oo lagu qiyaasay boqol milyan oo dollar, si looga caawiyo ciidamada in ay la wareegaan Shaqada ATMIS ka hor dhamaadka sanadkan.

Dhamaadka sanadkan ayaa la filayaa in Ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan, iyadoo lagu bedelayo Ciidamada Dowladda oo horay ula wareegay Saldhigyo badan oo ay lahaayeen howlgalka ATMIS.

Saaxiibada Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u sugi lahayd isbadalkan dhanka amniga ah, iyaga oo ka hortagaya qatarta kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM